Somali

Perheväkivaltaklinikka waxay bixisaa falanqayn, hagitaan iyo kooxaha taageerada dhibanaha iyo dembiilayaasha dagaalka dhibta. Adeegyadu waa qarsoodi, bilaash oo waxay u furanyihiin dhammaan. Waxaad raadin kartaa caawimo keliya ama si wada jir ah xubinta qoyska.

 

Ku saabsan Perheväkivaltaklinikka

Perheväkivaltaklinikka waxay bixisaa falanqayn, hagitaan iyo kooxaha taageerada dhibanaha iyo dembiilayaasha dagaalka dhibta.

Adeegyadu waa qarsoodi, bilaash oo waxay u furanyihiin dhammaan. Kuma xidhnin wax koox diimeed ama siyaasadeed ah. Waxaanu qayb ka nahay Qaybta Wax ka qabadka Dagaalka iyo Dhibta ee Setlementti Tampere ry. Hawl galadayada waxaa maalgelisa Wasaarada Arrimaha Bulshadda iyo caafimaadka, oo dakhliguna ka yimaado Veikkaus.

 

Waxaanu qabano

Waxaanu siinaa falan qayn iyo hagitaan qof kasta oo dhibaato ka soo gaadhi dagaalka qoyska. ‘Qoyska’ waxa uu la micno lahaan lahaa xidhiidh kasta kaas oo dadka ku lug leh ay la leeyihiin xidhiidh dareen oo adag midba midka kale Waxaanu sidoo kale lahayn kooxaha taageerada kaa caawin kara inaad la tacaasho khibradaha dagaalka oo xalisa xaaladaha dhibaatada leh iyaddooonay jirin dagaal.

Tusaalooyinka dagaalka ee qoyska, waxa loola jeedaa dagaalka guriga, waxa ka mid ah:

  • Lamaanahaagu waa uu ku canaantaa, ku caayaa ama kugu qayliyaa adiga.
  • Adiga iyo carruurtaadu waa la riixaa, timaha la jiidaa ama wax lagu dhuftaa.
  • Macluumaadka muhiimka ah ee ku khuseeya waa lagaa qariyaa adiga.
  • Lamaanahaagu dhaqaale ahaan ayuu adiga kuu maa mulaa,Oo laguuma oggola inaad isticmaasho lacagtaada ama dheefahaaga lacageed ee bulshada.
  • Laguuma oggola inaad gaadho go’aamadaada.
  • Waa lagu khiyaameeyay ama been aya alaguu sheegay.
  • Waa lagu daba galaa markaad  isfurtaan  ama kala tagtaan.

 

Waxaanu la shaqaynaa shakhsiyaadka, lamaanayaasha iyo qoysaska muddada kullamada la qorsheeyay. Muddada kullanka, waxaanu kugu caawinaa raadsashada qaababka laguugu caawiyo inaad si wanaagsan ula qabsato nolosha maalinlaha ah oo looga hortaggo mustaqbalka.

 

Kumaa loogu talo galay adeegyada?

Adeegyadayada waxaa loogu talo galay dadka kaas oo dhibane ahaa ama dembiilayaasha xad gudubka guriga, ama labbadaba  Waxaad nala soo xidhiidhi kartaa keligaa, lamaane ahaan ama qoys.

Shaqaalahayagu waxay ku hadlaan Finnish iyo Ingiriisi;  haddii kale waxaanu isticmaalnaa turjubaan, mar kasta oo ay suuragal tahay.

Xafiiskayagu waxa uu ku yaalaa Tampere, laakiin waxaad nagala soo xidhiidhi kartaa meel kasta oo Finland ku taala.

 

Macluumaadka Xidhiidhka